Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadashay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxayna ku eedeysay ciidamada Itoobiya.
Waxay dowladda Soomalaiya ay falkan xadgudub ku tilmaantay in maanta ciidamada Itoobiya ka gaysteen magaalada Doolow Soomaaliya.
“Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa falka xadgudubka ah ee maanta ay ciidamada Itoobiya ka gaysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowladda.
Qoraalkan oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Saaka abaare 10-kii barqanimo ayaa ciidamada dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah ku soo qaadeen farriisimo ay ciidanka qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo”
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaasi uu ahaa mid si qorsheysan loo fuliyay, islamarkaana ciidamada Itoobiya ay ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ciidanka nabadsugidda ee NISA iyo booliiska.
“Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u gaystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi,” ayaa lagu yiri warka dowladda.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waxyeello soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa magaalada Doolow ee falkaasi uu maanta ka dhacay.
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hadashay weerar la sheegay in ciidanka...