Maxkamadda oo maanta loo gudbinaya racfaan dhowr ah oo ku saabsan BBI

0
338

Waxaa maanta maxkamadda racfaanka ee dalka loo gudbinayaa dacwado dhowr ah oo looga soo horjeedo go’aan ay 13-kii bishan maxkamadda sare ee dalka ka soo saartay qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Go’aankaasi oo ay ku dhawaqeen 5 garsoorayaal ah ayaa waxba kama jiraan looga soo qaaday hindise sharciyeedkan.
Xaakinnada ayaa sheegay in geeddisocodka BBI uusan dastuurka dalka waafaqsanayn maadaama lagu soo dhisay si sharci darro ah.
Arrintan ayaa gudaha dalka ka abuurtay hadal hayn siyaasadeed oo ballaaran.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa xakiinnada ku ammaanay go’aanka geesinimada leh ee ay qaateen halka kuwo kalena ay dhaliileen.
Dacwadaha maanta maxkamadda racfaanka ee wadanka loo bandhigaya waxaa geynaya madaxa xisbiga ODM Raila Odinga, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara Kariuki iyo sidoo kale guddiga sare ee BBI.
Dhinacyadan ayaa ku doodaya in aynan ku qancin go’aanka maxkamadda sare ay ku laashay hannaanka BBI.
Waxay sheegeen in amarka maxkamadda laga dheehan karo dulduleel dhanka sharciga ah sidaas awgeedna ay ka falcelinayaan.
Mr. Kihara , xeer ilaaliyaha qaranka ayaa xusay in aynan suurtagal ahayn in maxkamadda ay hor istaagto rabitaanka in ka badan 4 milyan oo qof oo saxiixyadooda ku taageeray qorshaha wax looga beddelaya dastuurka.
Raila Odinga waxaa uu sheegaya in xaakinnada maxkamadda sare ay sameyeen shaqo aan tooda ahayn.
Siyaasiyiinta go’aanka maxkamadda dhaliilay oo uu ka mid yahay wasiirka beeraha Peter Munya ayaa sheegaya in garsoorayaasha ay u muuqdaan kuwo dano kale fulinaya .