Kindiki oo sheegay in qaar ka mid ah guriyaha ay dowladdu dhisaysa la wareejin doono sanadka cusub

0
162

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in laga billaabo bisha Koowaad ee sanadka 2025-ka la wareejiyo qaar ka mid ah guriyaha ay dowladdu dhisaysa.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maamulka talada dalka haya ay ka go’an tahay xallinta baahida dhanka hooyga ah ee ka jirta Kenya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada laga leeyahay barnaamijkan ay tahay in kenyaanka ay ku noolaadaan guriyo tayo ahaan wanaagsan , ay ku degi karaan qiimo ay awoodaan sidoo kalena ay helayaan adeegyada aasaasiga ah.
Kindiki ayaa sheegay in sanad kasta Kenya looga baahan yahay ilaa 250,000 oo guriyo ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in hadda mashaariic dhan 100 kuwaasi oo laga fulinaya 45 ka mid ah ismaamullada dalka ay marayaan marxalado kala duwan.
Qorshaha dowladda ayaa ah in mashaariicdan laga soo saaro guriyo gaaraya 135,515 .
Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa dhanka kale shaaciyay in mashruuca guriyeynta ee dowladda uu shaqo abuur u sameeyay in ka badan 200,000 oo qof.
Sidoo kale , waxaa uu xusay in muwaadiniin gaaraya 550,000 ruux ay isku diiwaangeliyeen lahaanshaha guriyaha iyadoo loo maraya Barnaamijka Boma Yangu .