EACC oo dib ula wareegtay dhul qiimihiisu yahay 30 milyan oo shilin

0
200

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay inuu dib ula wareegay dhul dadweyne oo si sharci darro ah loo haystay.
Dhulkan oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada yar ee magaalada Momabsa ayuu qiimihiisa lacageed yahay 30 milyan oo shilin.
Dhulkan oo cabbirkiisu yahay 0.0492 eekar ayaa la sheegay in uu sanadkii 1997-dii la wareegay sarkaalkii degmada Mombasa ee xilligaasi Edward Mwangi Irungu, isagoo la shaqeynayay guddoomiyihii dhulalka dalka Wilson Gachanja.
Hasa ahaate, maxkamadda deegaanka iyo dhulalka ee laanteeda ismaamulka Mombasa ayaa dhawaan go’aan ay soo saartay amartay in dhulkaasi lagu wareejiyo dowladda, iyadoo meesha ka saartay dhammaan wax kala iibsiga oo horseedi karo in la dhaco.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in si been abuur ah dhulkan looga iibiyaay Huteel Minalove Restaurant Limited.