Maamulka qaabilsan maareynta adeegyada batroolka iyo tamarta ee dalka ee (EPRA) ayaa shaaciyay inuu hoos u dhacay qiimaha noocyada shidaalka ee Super Petrol, Diesel, iyo Kerosene.
Tani ayaa xigtay dib u eegis billa ah oo la sameeyay.
EPRA ayaa maanta sheegtay in qiimaha nooca shidaalka ee Super Petrol uu hoos u dhacay 4.37shilin, Diesel-ka waxaa uu qiimo ahaan is dhimay 3 shilin halka kerosene uu qiimihi hore ka yaraaday isla saddex shilin.
Waxay tani micnaheedu tahay in batroolka Nairobi lagu kala iibsan doono 176.29 shilin halkii liitar ,Diesel-ka ama naaftada waa 165.06 shilin liitarkii halka Kerosene halkii liitar lagu iibin doono 148.39 shilin.
Maamulka EPRA ayaa xusay in qiimaha cusub uu dhaqangeli doono saqda dhexe ee caawa.
Isbeddelladan ayaa shaqeyn doono laga billaabo saqda dhexe ee caawa ilaa 14-ka bisha koowaad ee sanadka 2025-ka.