Waxaa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi gelinkii dambe ee shalay ka ambabaxay 80 qof oo kenyaan ah oo shaqooyin ka helay dalka Qatar.
Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Dr.Alfred Mutua ayaa sagootiyay shakhsiyaadkan fursadaha shaqo ka helay waddanka Qatar.
Waxaa uu wasiirka muujiyay kalsooni ah in dhallinyaradan ay fursadan ka faa’iideysan doonaan si ay noloshooda u horumariyaan, islamarkaana ay gacan ka gaystaan horumarka dalka.
Dr.Alfred Mutua ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay in ay abuurto fursado shaqo oo gudaha iyo dibadda.
Waxaa uu xusay in barnaamijkan uusan kaliya awood siineen dhallinyarada balse sidoo kale uu xoojinayo dhaqaalaha dalka.
Dhallinyarada dalka ka dhooftay ayuu ku boorriyay in ay dhiirigelin u noqdaan muwaadiniinta kale ee ku haminaya in ay qurbaha u shaqo tagaan.
Shalay subax ayay ahayd markii, koox labaad oo ka kooban 28 qof ay sidoo kale u ambabaxeen waddanka Qatar, iyagoo ku biiray dufcaddii koowaad oo gaareysay 30 ruux.