ISIS oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Jimcada ee Afghanistan

0
448

Kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS ayaa sheegatay in dagaalyahanadeeda ay fuliyeen weerarkii Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday masjid ku yaalla dalka Afghanistan.
Qaraxa ayaa laga soo tabiyay gudaha masjidka degmada Shakar Darah ee Kabul.
Waxaa halkaas ku dhintay in ka badan 12 qof oo uu ka mid yahay imaamkii goobtaas halka ugu yaraan 15 qof oo dheeraad ah ay dhaawacmeen.
Dhanka kale waxaa galinkii dambe ee shalay soo idlaaday muddo saddex cisho oo xabad joojin ah oo ay ku dhawaaqeen kooxda Taalibaan iyo dowladda Afghanistan munaasabadda ciidul fidriga awgeed.