DHAGEYSO:Kindiki oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in dhallinyarada shaqo abuur loo sameeyo

0
336

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay la tacaalidda shaqo la’aanta ay wajahayaan qaar ka mid ah kenyaanka iyo sidii loogu abuuri lahaa fursado dhaqaale.
Arrintan ayuu ka sheegay munaasabad lagu qabtay xarunta shirarka caalamiga ee (KICC) ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu Kindiki xusay in qodobka mudnaanta koowaad la siinaya ee dhanka dhaqaalaha uu yahay shaqo abuur.
Waxaa uu soo xigtay warbixinta Bangiga Adduunka ee sanadkan oo lagu sheegay in heerka shaqo la’aanta ee Kenya uu yahay boqolkiiba 5.7.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa shaaciyay in toddobaadka soo socdo iyo horraanta bisha Koowaad ee sanadka dambe ay waddanka ka safri doonaan 7,700 oo qof oo shaqooyin ka helay qurbaha.
Prof. Kithure Kindiki ayaa xusay in 300 oo dhallinyaro ah ay dhawaan u safri doonaan magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Waxaa uu intaasi ku daray in 8,000 oo dheeraad ah lagu wado in ay Kenya ka ambabaxaan bisha Saddexaad ee sanadka 2025 si ay dibadda uga howlgalaan.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in la dhameystiray 272 ka mid ah 1,450 xarumood oo ah kuwa casriga ee ay da’yarta uga shaqeysan karaan qaab online ah.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Kenya , Kithure Kindiki ayaa beeniyay in dhallinyarada fursadaha shaqo ka helay qurbaha aynan waddanka dib ugu soo laaban doonin.
Waxaa uu dadweynaha ku boorriyay in ay dowladda ku taageeraan barnaamijkan. Sidoo kale waxaa uu xusay inuu jiro qorsho ay dowladdu ku aqoonsanaysa oo shahaadooyin lagu siinaya dadka aan helin waxbarashada rasmiga ah balse leh xirfado ay ku shaqeystaan.