Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka Dr.Raymond Omollo ayaa sheegay inuu ka qoomamoonaya in si rabshadeysan loola macaamilay shakhsiyaad ismaamulka Nairobi ka sameeyay dibadbax ay ku dalbanayeen in la soo afjaro dilalka loo gaysanaya haweenka iyo gabdhaha.
Xilli uu xalay u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu Raymond carrabka ku adkeeyay in ay nasiib darro ahayd in ciidamada booliiska ay si aan wanaagsanayn ula dhaqmeen dibadbaxayaal aan hubeysnayn.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in falcelinta noocaasi aan la aqbali karin.
Waxaa uu xusay inuu dilalka loo gaysanaya haweenka kala hadlay taliyaha guud ee booliiska si dhacdooyinkan loo soo afjaro.
Sidoo kale , waxaa uu kenyaanka u xaqiijiyay in tallaabo sharciyeed laga qaadaya cid kasta oo lagu caddeeyo in ay falalkan ku lug leedahay.
Home Wararka Kenya Dowladda oo ka qoomameysay qaabkii looga falceliyay dibadbaxyo looga soo horjeeday dilalka...