Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in la xiray eedeysane lala xiriirinaya fadeexad dahab oo uu ku lunsaday ilaa 33 milyan oo shilin.
Tuhmanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Steve Odek, oo loo yaqaano David Bett.
Waxaa eedeysanaha gacanta ku dhigay , baarayaal ka tirsan saraakiisha howlgallada gaarka ah fuliya.
Eedeysanaha ayaa khiyaanay qof ajnabi ah.
DCI-da ayaa laga soo xigtay in shakhsiga la khiyaanay uu Odek la galay labo heshiis oo kala duwan si uu uga ibsado dahab.
Heshiisyadan ayaa dhacay bilihii Labaad iyo saddexaad ee sanadkan.
Hasa ahaate uu eedeysanaha ku guuldareystay inuu dahabka keeno.
Baarayaasha ayaa caddeeyay in qandaraaska labaad la saxiixay ka dib markii heshiiskii ugu horreeyay uu guuldareystay.