Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Itoobiya ay billowday iska horkeenidda beelaha degga gobolka Gedo

0
468

Dowladda Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay tallaabooyin ay sheegtay in Itoobiya ay ka waddo gobolka Gedo, oo ay isaga horkeeneyso beelaha halkaasi deggan, waxaana ay ku eedeysay faragelin dhanka ah madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.
War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in saaka ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay degmada doolow u soo dhaqaaqeen dhanka degmada Buulo Xaawo, balse ay ka horyimaadeen dadka degaanka iyo ciidamada qalabka sida oo u diiday in ay ku soo ruqaansadaan Buulo Xaawo.
Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo uu jiro khilaaf xooggan ee u dhexeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaa oo ka dhashay heshiiskii ay Itoobiya ay la gashay Somaliland.