Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in ay adeegsanayaan qaab kasta oo suurtagal ah oo looga baaqsan kara inuu guul darreysto duullaanka militari ee ay ka wadaan gudaha waddanka Ukraine.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in ay dhawaan isticmaaleen gantaalka xawaaraha dheer ee Oreshnik taasi oo uu xusay in ay reer galbeedka ugu muujinayeen in xukuumadda Moscow ay diyaar u tahay si waliba oo ay uga badbaadaysa fashil.
Lavrov ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in dowladaha reer galbeedka ay doonayaan in ay saameyn ku sii lahaadaan dunida balse ay iyaga u dagaallamayaan danahooda amni.
Wasiirka ayaa sheegay in Ruushka uunan doonayn in xaaladda ay faraha ka sii baxdo ama uu isfahan waa’ kala dhexeeya Maraykanka iyo saaxiibadiisa.
Hasa ahaate, waxaa uu tilmaamay in ay farriimo dheeraad ah diri doonaan haddii aan la qaadan go’aammada kama dambeyska ee lagama maarmaanka ah.