Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi Yuusuf Xasan Cabdi ayaa maanta booqday qoyska wiil dhallinyaro oo soomaali ah oo Sabtidii dhawaan meydkiisa laga soo saaray goob bulaacad ah oo ku taalla xaafadda Bahati ee deegaanka Makadara ee caasimadda waddanka.
Carafaat Maxamad Biriq ayaa la waayay maalinkii Jimcaha ee toddobaadkii hore.
Hooyada marxuumka ayaa sheegtay in wiilkeeda oo 20 sano jir ah uu maalinimadii Jimcaha ka tagay guriga eedadiis oo ku yaalla xaafadda Islii, islamarkaana uu aaday goob lagu dabaasho oo ku taalla dugsiga hoose dhexe ee Kimathi ee Section 3.
Marxuumka ayaa ka soo jeeda magaalada Mandera islamarkaana uu Nairobi u joogay fasax, maadaama ay dugsiyda xiran yihiin.
Waxaa uu dhiganayay fasalka saddexaad ee dugsiga sare.
Xildhibaanka deegaanka Kamukunji Yuusuf Xasan Cabdi ayaa dhanka kale tacsi u diray qoyska iyo ehellada uu ka baxay Carafaat Maxamad.
Waxaa uu sheegay inay socdaan baaritaanno ku aadan waxa sababay geerida Carafaat iyo shakhsiyaadkii ka dambeeyay dilkiisa.
Waxaa uu shacabka ku boorriyay in ay is dejiyaan oo ay ka war sugaan laamaha ammaanka oo baaritaano ku haya dhacdadaasi.
Meydka marxuumka ayaa wali yaalla goobta meydadka la dhigo ee City Mortuary ee magaalada Nairobi.
Home Wararka Kenya Xildhibaanka Kamukunji oo u tacsiyadeeyay qoyska wiil soomaali ah oo dhawaan meydkiisa...