DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ku baaqay degganaansho

0
201

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka ugu baaqay in ay xasilloonida ku dadaalaan.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kajiado ayuu sheegay in uunan jirin wax tartan ah oo ka dhexeeya dowladda iyo kaniisadaha.
Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta kaniisadaha iyo saraakiisha dowladda ka codsaday in ay ka fogaadaan kala qaybsanaan.
Ruto ayaa sheegay in aan loo baahnayn in hadallo la is-dhaafsado oo la doonaya in midnimada iyo wadajirka la xoojiyo maadaama uunan qaranka kala qaybsanaan ku horumari karin.

Hadalka madaxweynaha dalka ayaa ku soo aadaya iyadoo bishii hore ururka baadariyaasha kaniisadda Catholic-ga ay dowladda dhexe ku dhaliileen in aynan oofin waxyaabihii ay shacabka u ballan qaadday.
Sidoo kale , mas’uuliyiinta kaniisadda ayaa sheegay in ay dib u celinayaan lacago ay ku deeqeen madaxweynaha dalka William Ruto, ku xigeenkiisa Prof. Kithure Kindiki , barasaabka Nairobi Johnson Sakaja iyo hoggaamiyaal kale.