Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar maamulka gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ka hor istaagaya inuu wax heshiis ah la galo shirkadda Adani Group ee laga leeyahay waddanka India.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoore Bahati Mwamuye oo sheegay in aan wax is-afgarad ah la gaarin karin ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dacwad arrinkan looga soo horjeedo oo maxkamadda loo gudbiyay.
Xaakinka ayaa dhanka kale shirkadda Adani ka dalbaday in ay soo bandhigto dokumeentiyada la xiriira amarkii uu madaxweynaha qaranka William Ruto uu 21-kii bishan meesha uga saaray heshiisyadii JKIA iyo shirkadda xiriirinta korontada dalka ee KETRACO kala dhexeeyay Adani.
Sidoo kale wasiirrada maaliyadda , gaadiidka , maamulka garoonka JKIA iyo maamulka maareeya garoomada diyaaradaha ee waddanka ee KAA ayaa lagu amray in aynan dhaqangelin wax iskaashi ah.
Tani ayaa timid ka dib markii uu Tony Gachoka oo ay matalayaan qareennada sare ee kala ah Kalonzo Musyoka, Kibe Mungai, Eugene Wamalwa, Dan Maanzo, iyo Ndegwa Njiru uu dacwad geeyay maxkamadda.
Qareennada ayaa hoosta ka xarriiqay in qandaraasyadii lala galay shirkadda Adani lagu bixiyay qaab musuqmaasuq ah.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay mar kale dacwaddan soo hadal qaaddo 29-ka bisha koowaad ee sanadka 2025-ka.