Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada dhexe ayaa waxay sheegayaan in Wabiga shabeelle uu deegaano hor leh ka Sameeyay Fatahaado Cusub taasoo sababtay in dadka deegaanka ay Cabsi soo Wajahdo sidoo kalena qaarkood ay isaga Barakacaan Guryahooda.
Wabiga ayaa lagu soo waramayaa inuu Saacadihii la soo dhaafay Fatahaad ka Sameeyay deegaanka baareey uu Hoos yimaada Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle waxayna Saamaysat qoysas fara badan.
Fatahaada Wabiga shabeelle Maalmihii la soo dhaafay ka sameeyay deegaano gobolka Shabeelada dhexe ka tirsan ayaa baab’isay dallagyo fara badan oo beeraha deegaanka ku yaalay waxaana xirmay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Magaalooyinka shabeelada dhexe qaarkood sidoo kale Boqolaal Qoysas ah ayay wararku sheegayaan inay gabi ahaanba Guryahoodii isaga Barakaceen.
Wali waxaa jirta Cabsi la xiriirta iyo Biyaha wabigu ka soo daayay dhanka Tuulada Baareey ay Saamayn ku yeeshaan Xaafado ka mid ah Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka shabeellada dhexe.
Masuuliyiinta Magaalada Jowhar ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay inay hada wadaan dadaalo Biyaha wabiga ka soo baxaya looga Weecinayo Magaalada Jowhar,waxayna Maamulku sheegeen in Biyaha Wabiga ka soo baxay ay soo gaareen dhinaca Xaafada Hanti wagaa ee Magaalada Jowhar taasoo Cabsida fatahaada kaga qabo sii kordhisay.