Diyaarada sida gargaar Noocyow kala duwan kana baxday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxay ka degtay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.
Diyaaradda oo sida Raashinka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la wareegay Agabkii saarnaa Maamulka degmada Xudur si Bulshada Magaalada loogu qeybiyo, ayadoo dhanka kale la sheegay inuusan gurmadkaas dabooli Karin Baahida ka jirta Magaalada Xudur oo ay shabaabku go’doomiyeen.
Degmada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa muddo 8 Sano ah u go’doonsan Al-Shabaab waxana haalkaas kajirta xaalad Bani’aadanimo oo aad u daran, kadib markii Al-Shabaab ay xoojiyeen culeyska ay saareen degmada Xudur.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa ku sugan degmada Xudur, waxaana kulan uu la qaatay laamaha Amniga uu ku faray in go’doonka laga qaado degmooyinka Gobolka Bakool
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa Faray Laamaha amniga Dar-Dar gelinta Xaqiijinta Amniga iyo Dib ufurida Wadooyinka ay Go’doomiyeen Al-Shabaab ee Gobolka Bakool.
Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in laamaha Amniga, iyagoo kaashanaya Shacabka ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Waxaa uu Xusay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen uu laamaha Amniga Amray inay si deg deg ah go’doonka uga qaadaan degmooyinka Gobolka Bakool, isla markaana Ciidmada qalabkooda loo dhameystiri doono.