Ciidamada booliiska ee xaafadda Karinde ee ismaamulka Kiambu ayaa helay meydadka lamaane waxayna saraakiishu sheegeen inuu jiro tuhun ah in dadkan ay is dileen.
Meydadka ayaa laga dhex helay gurigii ay degganaayeen.
Waxaa sidoo kale isbitaalka Mutuini Hospital la geeyay oo la daaweynaya canug dhallan hal sano iyo sagaal bilood .
Odayga qoyskaasi ayaa magaciisa lagu sheegay Reuben Ndede halka haweeneyda aan weli magaceeda la shaacin.
Booliiska Kiambu ayaa aaminsan in ninka uu xaaskiisa dilay ka hor inta uunan is dilin.
Meydadka ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee magaalada Nairobi si loogu sameeyo qalliin baaritaan ah iyadoo ay socdaan baaritaanno dheeraad ah.