Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa gaashaanka u daruuray dhaliillo ay shalay baadariyaasha kaniisadda Catholic-ga u jeediyeen maamulkiisa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in eedeynta madaxda kaniisadaha ay ahayd mid aysan ka fiirsan oo aan xaqiiqda ku saleysnayn.
Madaxweyne William Ruto ayaa ugu baaqay dhammaan hoggaamiyayaasha siyaasadeed, madaxda diimeed iyo Kenyaanka inay xaqiiqda sheegaan.
Waxaa uu xusay in farriinta madaxda kaniisadaha ay ahayd mid ay khaladaad ku jireen oo dadweynaha marin habaabinaysa.
Shalay ayay ahayd markii ururka baadariyaasha kaniisadaha Katholigga ee (KCCB) uu shir jaraaid oo uu qabtay waxaa uu maamulka madaxweyne William Ruto ku dhaliilay inuusan fulin ballanqaadyadii ay u sameeyeen Kenyaanka.
Waxaa ay ku eedeyeen in dowladda ay iska dhaga tirtay walaacyada Kenyaanka sida, qiimaha sarreeya ee canshuuraha iyo maciishadda, shaqo la’aanta, caymiska SHA, hannaanka maalgelinta jaamacadaha, manhajka waxbarashada ee CBC iyo baaritaannada lagu sameeyay dilalkii sharci darrada ahaa ee dhacay iyo afduubyo la soo tabiyay.