Ku dhawaad 900 oo qoys oo ay daadad ku saameyeen Kisumu

0
319

Wararka naga soo gaaraya ismaamullada Kisumu iyo Migori ayaa sheegaya in ku dhawaad 900 oo ka mid ah qoysaska halkaas ku nool ay saameyn ku yeesheen fatahaado.
Daadadka ayaa ka dhashay roobab culus oo deegaannadaas ka da’ay.
Boqolaal qoys ayaa ku barakacay deegaanka hoose ee bariga Kolwa ee Kisumu.
Shacabka ayay dantu ku qasabtay in ay ku guuraan meelaha joog ahaan sarreeya ka dib markii ay xaaladdu sii adkaatay.
Daadadka ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dugsiyada hoose dhexe ee Simbi, Nyora iyo Angugo .
Gudaha dowlad deegaanka Migori waxaa hooy la’aan ku noqday in ka badan 300 oo qoys.