Xisbiga ODM oo muslimiinta ugu hambalyeeyay ciidul Fidriga

0
536

Xisbiga ODM ayaa bulshada musilimiinta ah ee ku nool gudaha dalka u diray farriin hambalyo ah oo ku aaddan dabaal degga munaasabadda ciidul fidriga.
Bayaan uu xisbigu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in maanta ay tahay maalin farxadeed oo wakhti lala qaadanaya ehellada iyo asxaabta sidaas awgeedna ODM ay tahniyad la wadaagayso muslimiinta.
Waxaa sidoo kale muslimiinta u hambalyeeyay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane iyo dhigiisa Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud.
Waxay bulshada ka codsadeen in ay is cafiyaan oo ayna nabadda ku dadaalaan iyada oo dhanka kale la caawinayo dadka danyarta ah.