Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in Doorashooyinka madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya la qabto bisha Sagaalaad ee sanadka 2025-ka, taasoo ka dhigan in muddo sanad ah loo kordhiyay muddo xileedkooda.
Waxaa go’aankan la gaaray iyadoo ay madasha ka maqan yihiin maamullada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo horey uga horyimid qorshahan muddo kororsiga dowlad goboleedyada.
Qodobbadan ayaa qayb ka ahaa nuxurka war murtiyeed ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
Golaha Wadatashiga ayaa sidoo kale bisha Lixaad ee sanadka 2025-ka, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin wada xaajood iyo wada hadal lala galo xubnaha ka maqan madasha si ay uga qayb galaan doodaha la doonayo in lagu xallinayo kala duwanaanshaha ra’yiga.
Waxaa uu goluhu isku raaceen in ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshiisyadii hore si loo fududeeyo doorashooyin xor ah, iyaga oo carrabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u doortaan xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan.
Waxay ku baaqeen in si degdeg ah loo horgeeyo baarlamaanka sharciyada khuseeya doorashooyinka, nidaamka xisbiyada badan, guddiga doorashada, iyo xuduudaha baarlamaanka federaalka.
Home Wararka Soomaaliya Golaha wadatashiga qaranka oo muddo kordhin u sameeyay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya