Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku tilmaamtay maalin taariikhi ah oo uu dalka soo gaaray markabka Turkiga ee Oruc Reis, si uu u billaabo xog uruurintii ugu horreysay abid ee shidaal baarista Soomaaliya.
Dowladda ayaa aaminsan in mashruucan uu keenayo rajo cusub oo kor u qaadi doonta awoodda dhaqaale ee Soomaaliya.
Cilmi baarista markabkan ayaa diiradda lagu saari doonaa baarista shidaalka ceegaaga badda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay Turkiga ah iyo dhammaan dhinacyada ku lugta leh mashruucan.
Si kastaba ha ahaatee, wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa ku dhawaaqay in markabka Oruc Reis ee Turkiga uu soo gaaray xeebaha Soomaaliya si uu u sameeyo sahmin shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.
Markabkan ayaa Soomaaliya u soo shiraacday horraantii bishan si uu sahmin dhinaca shidaalka ah iyo gaaska dabiiciga ah uga sameeyo saddex goobood oo Turkigu ka helay shatiyada sahaminta.
Home Wararka Soomaaliya Soomaaliya oo maalin taariikhi ah ku tilmaamtay imaanshaha markabka Turkiga ee Oruc...