DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo faahfaahiyey horumarrada uu sameeyay maamulkiisa

0
455

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu sameeyay horumar wax ku ool ah.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in hadda ay marxalado gabogabo ah marayaan guriyo gaaraya 124,000 oo laga hirgelinaya 75 goobood oo ku yaalla 37 ismaamul.
Hoggaamiyaha dalka ayaa beeralayda u sheegay in la dhameystiray qorshaha lagu soo iibinaya shixnad kale oo bacrimin ah.
Wuxuu xusay in qiimaha tafaariiqda ah ee bacriminta uu sii ahaan doono 2,500 oo shilin.
Madaxweyne William Ruto ayaa xusay in ay lagama maarmaan tahay in cid kasta lagu sharfo shaqada ay hayso iyadoo aan la liidin.
Waxaa uu halyeeyo ku tilmaamay macallimiinta , dhakhaatiirta , injineerrada iyo shaqaalaha kale ee dadweynaha ugu adeego aqoontooda iyo xirfadahooda.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale kenyaanka ku boorriyay in ay si shakhsi ah uga qayb qaataan dhisidda qaranka .

Waxaa uu sidoo kale madaxweynaha khudbadiisi maanta ee xuska qaran ee Mashujaa Day uga hadlay dhibaatooyinka dhanka dhulalka ee ka jiro gobolka Xeebta isagoo shaaciyay in dhulalka bannaan lagu wareejinaya shacabka hooy la’aanta ah.