Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta kenyaanka ku hoggaamin doono u dabbaal degga maalinta qaran ee halyeeyada waddanka ee Mashujaa Day.
Dabbaal deggan oo noqonaya midkii 61-aad ayaa sanad kasta la qabtaa 20-ka bisha Tobnaad.
Xuskan ayaa lagu maamuusaa halyeyadii u soo halgamay xurriyadda waddanka.
Dabbaal degga ugu wayn ayaa lagu qabanaya fagaaraha Kwale Stadium.
Waxaa la qorsheeyay in ilaa 10,200 oo qof ay dabbaal deggaasi ka qayb galaan.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa sheegtay in amniga si wayn loo adkeeyay.
Madaxweyne William Ruto ayaa la filayaa inuu khudbadiisa ku soo qaato doorkii ay halyeeyadii waddanka ka soo qaateen halgankii xurriyad doonka.
Hal ku dhigga xuska Mashujaa Day ee sanadkan ayaa ah hooyga la awoodi karo ee ay dowladdu dhisayso.
Dhanka kale, waxaa uu qorshuhu yahay in dowladdu ay maanta billad sharafeed guddoonsiiso 142 halyeeyo ah.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu sharfi doono siyaabaha kala duwan ee ay uga qayb qaateen dhisidda qaranka.
Dadkan ayaa laga soo xushay waaxyo kala duwan sida deeqsinnada, hoggaanka, aqoonta asalka ah, farshaxanka, cayaaraha, cilmi baarista, ilaalinta deegaanka, midnimada iyo isdhexgalka qaran , ganacsiga iyo kuwo kale.