Qareennada Gachagua oo isaga baxay aqalka sare ka dib markii codsigooda la diiday

0
263

Qareennada sharciga ee matalaya madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa isaga baxay aqalka sare ee Kenya, ka dib markii codsigoodii ahaa in dib loo dhigo dacwadda xil ka qaadista ilaa 22-ka bishan laga diiday.
Garyaqaan sare Paul Muite oo hoggaaminaya qareennada sharciga ee Gachagua ayaa ka codsaday guddoomiyaha aqalka sare Amason Kingi inuu hakiyo dhageysiga dacwaddan ilaa maalinka Talaadada ee toddobaadka dambe.
Hasa ahaate, codsigaasi waxaa ku gacanseyray senatarrada aqalka sare, iyagoo u codeeyay in dacwaddan la soo gabagabeeyo maalinka Sabtida ee 19-ka bishan.
Paul Muite ayaa ku andacooday in madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua la dhigay isbitaal islamarkaana uu dareemaya xanuun dhanka feeraha ah.
Afhayeenka aqalka sare ayaa markii ay baxeen qareennada Gachagua senatarrada u fasaxay inay ka doodaan ka dibna go’aan ka gaaran mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka waddanka