Guddiga fulinta ee xisbiga ODM oo ku shiraya Mombasa

0
514

Guddiga qaran ee fulinta ee xisbiga ODM (NEC) ayaa maanta magaalada Mombasa uga billowday shir saddex cisho socon doona.
Shirkan oo ah mid albaabadu u xiran yihiin ayaa lagu wadaa inuu socda ilaa maalinka Axadda.
Waxaa la filayaa in laga soo saaro go’aama muhiim u ah xisbiga.
Agaasimaha isgaarsiinta xisbiga ODM Philip Etale ayaa sheegay in shirkan ay warbaahinta qayb ka ahayn.
Hasa ahaate, warbaahinta ayaa lagu wargeliyay in berri 12-ka duhurnimo lagu martiqaaday shir jaraa’id uu xisbiga qaban doona.
Shirka golaha fulinta ee xisbiga ODM ayaa ku soo aadaya iyadoo aqalka sare ee dalka uu isku diyaarinayo inuu eega tallaabadii ay golaha qaran ee xeer dejinta ay xilka uga xayuubiyeen ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua.
Aqalka sare ayaa maalmaha Arbacada iyo Khamiista ee toddobaadka dambe ka doodi doona ka dibna ayidaya go’aanka xildhibaanada baarlamaanka ama meesha ka saaraan.