DHAGEYSO:Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka warbixiyay halka uu maraayo shirka golaha wadatashiga qaranka

0
108

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo shirka golaha wadatashiga qaranka ee maalmahii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, kaas oo shalay uu isaga baxay madaxweynaha maamulka Jubbaland oo dib ugu laabtay Kismaayo.
Waxaa uu sheegay inuu wali socdo shirka golaha wadatashiga qaranka, islamarkaana madaxda ay ku jiraan la tashiyo muhiim ah oo la xiriira qodobbada qaar ayna soo saari doonaan go’aanno rasmi ah.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in muddada ay xilka haayaan uu golaha wadatashiga qaranka kulmay 9 jeer, islamarkaana kulamadaasi ay ahayeen dhammaantood kuwa ahmiyad weyn u lahaa dowladnimada ayna ku soo dhammaadeen guulo la taaban karay.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in shirka golaha wadatashiga qaranka ee haatan ka socda Muqdisho inuu guul ku soo dhammaan doono.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ilaalinta midnimada, gobanimada iyo in laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qaybinta dadka Soomaaliyeed.