DHAGEYSO:Xisbiga ODM oo sheegay inuusan qayb ka ahayn mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah Gachagua

0
44

Hoggaamiye ku xigeenka xisbiga ODM ahna barasaabka ismaamulka Kisii Simba Arati ayaa sheegay in xisbigan uusan qayb ka ahayn qorshaha xilka looga qaadaya madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Waxaa uu sheegay in geedisocodka xil ka qaadista ay tahay awoodda iyo waajibaadka baarlamaanka waddanka.
Arati ayaa xusay in baarlamaanka uu qiimeyn ku sameyn doono, islamarkaana uu go’aan ka gaari doono mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah Gachagua sida ku xusan dastuurka dalka la maamulo.
Hasa ahaate, waxaa uu caddeeyay in xisbiga ODM uu ixtiraami doono go’aanada ay gaari doonaan labada aqal ee xeer dejinta.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in ODM aysan wax wada shaqeyn ah la lahayn dowladda balse ay madaxweynaha dalka William Ruto garab ku siinayaan qorshaha horumarineed ee maamulkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here