Xildhibaan Abiib oo xabsiga laga sii daayay ka dib amar maxkamadeed

0
72

Xildhibaan Maxamad Abiib Yuusuf ayaa goor dhaweyd laga siidaayay xabsiga Mandheera ee magaalada Hargeysa, oo uu ku xirnaa toddobaadyadii u dambeeyay.
Siideynta xildhibaanka ayaa timid saacado ka dib markii maxkamadda sare ee Somaliland ay amartay in xabsiga laga siidaayo.
Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa sharci darro ku tilmaamtay xabsi ku haynta xildhibaan Maxamad Abiib, maadaama golaha wakiillada ay cod aqlabiyad ah ku diideen maamuus ka xayuubintiisa.
Waxay maxkamadda sare sidoo kale fartay hay’adaha kala duwan ee Somaliland inay dastuurka u hoggaansamaan oo ay ixtiraamaan, si aysan u dhicin ku tumasho sharci.
Abiib oo muddo ku siman bil u xirnaa xukuumadda Somaliland ayaa xilliga la xirayay ka yimid dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta, waxaana qabtay sirdoonka Somaliland oo ka dib xabsiga u taxaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here