Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka oo eedeyn u jeediyay Gachagua

0
344

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ,Kimani Ichu’ngwah ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ku dhaliilay hadal uu dhawaan jeediyay oo ahaa in ay keliya la xisaabtami karaan shacabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in mooshinnada xil ka qaadista ay ka mid yihiin kor-joogteynta waxqabadka saraakiisha dowladda.
Waxaa uu madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua u sheegay inuunan haysan xanaasad ka badbaadinaysa in xilka laga xayuubiyo.
Kimani Ichu’ngwah ayaa intaasi ku daray in ilaa iyo hadda uunan jirin xildhibaan gudbiyay ama soo jeediyay in xil ka qaadis lagu sameeyo ku xigeenka madaxweynaha.
Waxaa uu ku eedeyay inuu si iskiis ah u abuuray sheekadan oo uu ku tilmaamay mid uu beer-laxawsi uga raadsanaya kenyaanka.