Madaxweynaha dalka oo xalay u ambabaxay Jarmalka

0
180

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa u ambabaxay safar rasmi ah oo labo cishe oo uu ku joogo doono waddanka Jarmalka.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad ayaa sheegay in madaxweynaha uu dhiggiisa Jarmalka Frank-Walter Steinmeier iyo hoggaamiyaha xukuumadda qarankaasi Olaf Scholz la yeelan doono wada hadallo labo geesood ah.
Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaraya iskaashiga dhanka tamarta cagaaran, isbeddelka cimillada , dhijitaalka , ganacsiga, maalgashiga , horumarinta xirfadaha , shaqaaleysiinta , nabadgalyada gobolka iyo si guud amniga caalamka.
Sidoo kale, waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweyne William Ruto inta uu ku sugan yahay magaalada Berlin uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta ganacsatada si looga wada hadlo fursadaha maalgashi ee jira.
Xuseen Maxamad ayaa laga soo xigtay in madaxweyne William Ruto uu la kulmi doono madaxda fulinta ee shirkadaha Mercedes-Benz, YouTube, iyo Ida Cruises.
Waxaa la filayaa in Kenya iyo Jarmalka ay wada saxiixdaan heshiis iskaashi oo ku saabsan socdaalka.