Waaxda maareynta musiibooyinka iyo arrimaha deegaanka dalka ayaa digniin u dirtay ganacsatada xeryaha qaxootiga iyo deegaanka Dadaab.
Waxaa looga digay isticmaalka bacaha oo dowladdu ay mamnuucday ku dhawaad shan sano ka hor balse wali qeybo badan oo ka mid ah xeryaha qaxootiga ah laga adeegsado.
Madaxa maamulka qaran ee NDMA ismaamulka Garissa Issac Kimtai oo warbaahinta Star Kula hadlay deegaanka Dadaab ayaa sheegay in ay tahay danbi isticmaalka bacaha oo halis cafimaad ku ah dadka iyo duunyada sidoo kalena deeganka u daran sida uu hadalka u dhigay.
Qofkii lagu qabto bacaha ayuu sheegay inuu mudan karo 2 sano oo xabsi iyo ganaax lacageed oo ilaa 4 milyan oo shilin ah .
Waxaa uu intaasi ku daray in ay qaadi doonaan tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo in la joojiyo isticmaalka bacda oo uu xusay in xeryaha qaxootiga ay ka soo gasho dhanka soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Issac ayaa bulshada ugu baaqay inay ka digtoonaadaan adeegsiga bacaha qafiifka ah ee ay dowladdu horay u mamnuucday iyadoo la ilaalinaya bilicda deegaanka.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Waaxda maareynta musiibooyinka oo digniin u dirtay ganacsatada xeryaha qaxootiga Dadaab