Sii hayaha xilka taliyaha guud ee booliiska oo si adag uga hadlay ka ganacsiga daroogada

0
150

Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Mr.Gilbert Masenegli ayaa madaxda ammaanka ee gobolka Waqooyi Bari faray in ay si dhow ula shaqeeyaan shacabka iyo daneeyayaasha kala duwan ee arrimaha bulshada.
Waxaa uu amar ku bixiyay in la iska kaashado cirib tirka ka ganacsiga daroogada iyo iskudhacyada dhex maro dadweynaha iyo duurjoogta.
Masengeli ayaa saraakiisha ammaanka u sheegay in ay qasab tahay inay waajibaadkooda si buuxda uga soo baxaan si looga hor tago wax kasta oo saameyn ku yeelan karo badqabka shacabka iyo hantidooda.
Waxaa uu xusay in cid kasta oo xeerarka degsan ku xadgudubta ay tahay in lala xisaabtamo iyadoo aan la eegayn mansabka ay bulshada dhexdeeda ku leedahay.
Gilbert Masengeli ayaa dhanka kale dadweynaha Waqooyi Bari iyo si guud dalka uga mahadceliyay sida dhow ee ay laamaha ammaanka ula shaqeeyaan oo ay ula wadaagaan warbixinnada muhiimka ah.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu ku sugnaa saldhigga booliiska ee magaalada Garissa ka dib markii uu soo gabagabeeyay socdaal qaatay saddex cishe oo uu ugu kuurgalayay xaaladda amniga ee ismaamullada gobolka Waqooyi Bari.