Maamulka KAA oo raalli gelin ka bixiyay shaqo joojinta shaqaalaha waaxda duullimaadka ee dalka

0
410

Maamulka maareeya garoomada diyaaradaha ee KAA ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in shaqo joojinta ay sameeyeen qaar ka mid ah howlwadeennada waaxda duullimaadka.
Waxaa uu maamulkan raalli geliyay cid kasta oo ay saameyn ka soo gaartay xaaladda taagan.
KAA ayaa shaqo joojinta xubnaha ururka waaxda duullimaadka ee KAWU ku tilmaantay mid baal marsan amarkii maxkamadda.
Maamulkan ayaa dhanka kale rakaabka ku boorriyey in ay tagaan xafiisyada shirkadaha diyaaradeed si ay u xaqiijiyaan duullimaadyadooda.