Ciidanka PSF oo ku amray dadka deggan garoonka diyaaradaha Boosaaso inay ka fogaadaan

0
278

Taliska ciidanka amniga ee maamulka Puntland ee loo yaqaan PSF ayaa ku amray dadka deggen agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso inay isaga fogaadaan, ka dib markii ay ka soo horjeesteen in askar dhaawac ah oo ka tirsan ciidankooda loo diiday inay ka dhoofaan garoonka.
“Duulimaadyada diyaaradaha waxaan uga digeynaa in ay isticmaalaan garoonka diyaaradaha Boosaaso ilaa garoonka lagu soo celinayo gacantii hore uuna noqon doono meel loo siman yahay oo muwaadiniintu wada isticmaali karto,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay PSF.
Ciidanka PSF ee Puntland ayaa sheegay in laga hor istaagay askar ka tirsan ciidankooda oo dhaawacyo kala duwan qaba inay garoonka Boosaaso ka dhoofaan.
PSF ayaa tilmaantay in askartan dhaawaca qaba ay yihiin kuwa naftooda khatar u geliyey iyagoo dalkooda u shaqeynayay.
War saxaafadeedka PSF ayaa sidoo kale lagu sheegay in arrintan ay dhabarjab ku tahay dadaalada lagu difaacayo dalka iyo loogana xorreynayo kooxda Al-Shabaab.
“Sida lawada og yahay, garoonka diyaaradaha ee Boosaaso oo ah goob duullimaadka rayidka ah loogu talagalay ayaa muddo saddex sano ah la diiday in PSF cid u socota ay ka soo degto ama saraakiisha PSF ay ka duuli karaanm, sidoo kale waxaa laga hor istaagay in dhaawacyada ciidanka PSF ay isticmaali karaan garoonka Boosaaso,” ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka PSF.
PSF ayaa ku eedeeysay maamulka garoonka inay ka been abuureen xaaladda, waxayna ku baaqeen in dadka ku nool garoonka ay u hoggaansamaan amarrada cusub ee ay soo saareen.
Warkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay magaalada Boosaaso laga dareemayay xiisado colaadeed oo ka dhex taagan ciidanka PSF iyo ciidanka PMPF, taasoo ka dhalatay markii Boosaaso laga afduubtay mid ka mid ah qoyska agaasimaha ciidanka PMPF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here