Mooshin xilka looga qaadaya barasaabka Nyamira oo loo gudbiyay golaha hoose ee ismaamulkaasi

0
167

Evans Matunda oo ah wakiil si magacaabid ah ugu biiray golaha hoose ee ismaamulka Nyamira ayaa gudbiyay mooshin uu ku doonaya in xilka looga xayuubiyo guddoomiyaha dowlad deegaankaasi Amos Nyaribo.
Waxaa uu barasaabka ku eedeynaya inuu ku xadgudbay dastuurka , inuu ku kacay habdhaqan xumo baahsan sidoo kalena uu ku tagriifalay awoodiisa hoggaamineed.
Waxaa guddoomiyaha dhaliilahan sidoo kale u jeediyay wakiilka deegaanka hoose ee Esise ,Josiah Mang’era oo ka tirsan xisbiga ODM.
Mang’era ayaa barasaabka ku eedeyay inuu xarigga ka jaray konteeynarro maran oo laga dhigayay in ay ku jiraan daawooyin, inuu dafiray amarro maxkamadeed sidoo kalena uu sameeyay shaqaaleysiin sharci darro ah.
16 ka mid ah xubnaha golaha hoose ee Nyamira ayaa codkooda ku taageeray mooshinka waxaana ka soo horjeestay 18.
Waxaa loo baahnaa in ay codkooda ku taageeraan aqlabiyadda wakiillada oo ah 23 xubnood si uu u meel maro.
Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii wakiillada Nyamira ay sidan oo kale isugu dayeen in ay xilka ka qaadaan barasaabka ismaamulkaasi Amos Nyaribo.