Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee (DCI) ayaa gacanta ku dhigay labo qof oo loo haysto ka ganacsiga maandooriyaha.
Dadkan ayaa lagu qabtay xaafadda Donholm ee caasimadda dalka ee Nairobi.
Waxaa howlgalkan fuliyay saraakiisha waaxda la dagaallanka daroogada ee (ANU).
Eedeysanayaasha la qabtay ayaa lagu magacaaba Teresia Nduku oo u dhalatay Kenya iyo Simba Kitwana Khamri oo ah muwaadin ka soo jeedo Tanzania.
Waxaa lagu helay nooc ka mid ah xashiishka oo qiimihiisu uu yahay 8,000 oo shilin halkii garaam.
Tuhmanayaasha ayaa hadda maraya baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.