In ka badan 16 arday oo ku dhintay dab saameeyay dugsi ku yaalla Nyeri

0
164

Ugu yaraan 16 arday ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen dab saameeyay mid ka mid ah goobaha ay ardayda seexdaan ee dugsiga Hillside Endarasha Academy oo ku yaalla deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ardaydan uu gebi ahaanba gubtay jirkooda oo aan la aqoonsan karin.
Waxay dhaawacyo culus oo gaareen 14 arday oo kale oo isbitaalka la geeyay si loo daaweeyo.
Weli lama xaqiijin sababta ka dambeysay dabkaasi oo kacay xilli ay ardayda hurdayeen.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here