Xoghayaha KUPPET oo iska fogeeyay eedeyn loo jeediyay

0
289

Xoghayaha Guud ee ururka ay ku mideysan yihiin macallimiinta dugsiyada sare iyo machadyada ee (KUPPET) Akelo Misori ayaa sheegay in go’aankii uu meesha uga saaray shaqo joojintii bareyaasha uu ahaa mid uu ururka qaatay oo aan isaga gaar u ahayn.
Tani ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah xubnaha KUPPET ay Misori ku eedeyeen inuu khiyaanay.
Balse waxaa uu carrabka ku adkeeyay in shaqo joojinta la soo afjaray ka dib markii uu kulmay golaha qaran ee fulinta oo wada tashiyo ballaaran la sameeyay xubnaha sida uu hadalka u dhigay.
Xoghayaha ayaa macallimiinta eedeeyay ku tilmaamay kuwo aan daacad ka ahayn dhaliishooda.
Waxaa uu dhanka kale , dhammaan macallimiinta ka tirsan ururka uu hoggaamiyo ee KUPPET kula taliyay in aynan niyad jabin.
Waxaa uu u xaqiijiyay in ay dabagal ku sameyn doonaan sida guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu u dhaqangeliyo waxyaabihii lagu heshiiyay.