Sakaja oo beeniyay inuu jiro iskuday xilka looga qaadaya

0
133

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa beeniyay warbixinnada tilmaamaya inuu jiro qorsho xilka looga xayuubinaya.
Waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu diiradda saaraya sidii uu u oofin lahaa waxyaabihii uu u ballan qaaday dadweynaha ku nool caasimadda dalka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu xaafadda Umoja ku daahfurayay mid ka mid ah goobaha cuntooyinka loogu karinaya ardayda dhigta dugsiyada .
Waxaa uu Sakaja hoosta ka xarriiqay in wararka ku aaddan qorshaha xil ka qaadistiisa ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah oo la doonaya in looga weeciyo barnaamijyada horumarineed.
Barasaabka ayaa sheegay in deegaan baarlamaneedyada Nairobi laga hirgeliyay 17 ah xarumaha ardayda loogu kariyo cuntooyinka.