Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Migosi Ogamba ayaa Julius Aritho u magacaabay sii hayaha xilka agaasimaha guud ee waaxda suugaanta ee waddanka ee (KLB).
Waxaa uu xilkan hayn doonaa muddo 6 bilood ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo muddo xileedka agaasimaha guud ee waaxdan Victor Lomaria uu ku egyahay berri.
Dhanka kale, wasiirka waxbarashada ayaa shaaciyay in dowladdu ay soo saartay 18.7 bilyan oo shilin.
Waxaa lacagtan loo adeegsanaya in macallimiinta JSS si joogto ah loo shaqaaleysiiyo.
Sidoo kale , dowladda ayaa bixisay 13.5 bilyan oo shilin oo loogu talagalay dhaqangelinta heshiiska ku saabsan mushaar kordhinta ee sanado ka hor lala saxiixday macallimiinta.