Shaqaalaha duullimaadka oo shaqo joojin billaabi doono 1-da bisha Sagalaad

0
350

Xoghayaha Guud ee ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha waaxda duullimaadka dalka ee KAWU, Moses Ndiema ayaa shaaciyay in xubnaha ururkan ay shaqo joojin billaabi doonaan Axadda soo socoto oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1-da bisha Sagaalaad ee sanadkan.
Waxaa uu tani u aaneeyay in ilaa iyo hadda aynan miro-dhal noqon kulamo ay la yeesheen wasaaradda shaqaalaha ee dalka.
Ururkan ayaa doonaya in dowladdu ay ka laabato heshiis lala galay shirkad laga leeyahay dalka India oo loo yaqaano Adani.
Heshiiska ayaa ah mid lagu ballaarinaya gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Moses Ndiema ayaa hoosta ka xarriiqay in howshaasi uu qaban karo maamulka maareeya garoomada diyaaradaha dalka ee KAA sidaasi awgeedna aan loo baahnayn in shirkad gaar ah qandaraas lagu siiyo.
Waxaa uu shaaciyay in laga billaabo 1-da Sebteembar aynan wax shaqo ah ka jiri doonin garoomada diyaaradaha ee dalka.