Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kulan looga hadlayey Dar-Dar gelinta Xaqiijinta Amniga iyo Dib ufurida Waddooyinka ay Go’doomiyeen Al-Shabaab ee Gobolka Bakool waxa uu la qaatay Sarakiisha Laamaha Amniga.
Kulanka ayaa diiradda waxa lagu saaray sidii Shacabka degmooyinka Gobolka Bakool looga qaadi lahaa culeyska ay saareen dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.
Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kulanka faahfaahin ka bixiyay ayaa sheegay in laamaha Amniga, iyaga oo kaashanaya Shacabka ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen uu laamaha Amniga Amray inay si deg deg ah go’doonka uga qaadaan degmooyinka Gobolka Bakool, isla markaana Ciidmada qalabkooda loo dhameystiri doono.
Degmooyin badan oo ka tirsan Gobolka Bakool ayaa muddo ka badan 8 Sano waxaa ay u go’doonsan yihiin Al-Shabaab, waxaana ka dhashay dhibaatooyin bani’aadanimo oo keentay inay dadka banaanbax dhigaan.