Maxkamadda Embu oo burburisay xashiish qiimihiisu yahay 4 milyan oo shilin

0
589

Maxkamadda ismaamulka Embu ayaa soo saartay amar lagu burburiyay nooca daroogada ee loo yaqaano xashiishka taasoo la qabtay.
Ciidamada ammaanka ayaa qiimaha maandooriyaha ay gacanta ku dhigeen ku sheegay 4 milyan oo shilin.
Waxaa go’aanka maxkamadda soo saaray garsoore Maxwell Gicheru oo sheegay in go’aanka daroogada lagu burburiyay uu yahay mid waafaqsan dastuurka dalka.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan galbeedka ismaamulka Embu Caroline Imaya ayaa sheegtay in dagaalka ka dhanka ah ka ganacsiga maandooriyaha lagu guulaysan karo hadii ay is kaashadaan shacabka, saraakiisha ammaanka iyo waaxda garsoorka.