Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Cabdifataax Aadan Xasan oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii xoogganaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in weerarkan lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, isagoma xaqiijiyay in lagu dilay 32 qof, laguna dhaawacay 63 kale.
Afhayeenka intaasi ku daray in ciidamada ammaanka uu ka dhintay hal askari, mid kalena uu ka dhaawacmay intii uu socday howlgalka, isagoo xusay in la toogtay 3 nin oo gudaha u gashay huteelka Beach View.
Waxaa uu tilmaamay in la fashiliyay gaari siday walxaha qarxa, islamarkaana ciidamada ammaanka ay qabteen isaga oo dhaawac ah ninkii waday baabuurka.
Afhayeenka booliiska ayaa xusay in weerarkan uu muujinayo sida ay Al-Shabaab u beegsaneyso shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto.