Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la soo afjaray weerarkii xeebta Liido

0
371

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarkii xoogganaa ee xalay Al-Shabaab ku qaadeen huteel ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaadday in la toogtay 5 dagaalame oo weerarka fuliyay, halka mid kalena uu is qarxiyay.
Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in laga hortagay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa oo la doonanay in shacabka lagu dhibaateeyo.
Weerarkan ayaa sidoo kale dhaliyay khasaaro tiro badan oo soo gaaray shacabkii ku sugnaa xeebta Liido oo xalay u Jimceystay halkaasi.