Saraakiil dowladeed oo laga wareysan doono sababta aynan ugu hoggaansamin xeerar jira

0
321

Guddiga qaabilsan maamulka cadaaladeed ee CAJ ayaa u yeeray saraakiil sare oo ka tirsan dowladda.
Mas’uuliyiintan ayaa laga doonaya in ay guddigan ka soo hormuuqdaan inta u dhexeysa 7-da ilaa 8-da bishan Sideedaad abaare 10-ka barqannimo.
Waxaa shakhsiyaadka loo yeeray ka mid ah xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Belio Kipsang, xoghayaha caafimaadka Mary Muthoni iyo xoghayaha waaxda qaran ee diiwaangelinta Christopher Wanjau.
CAJ ayaa sheegtay in xoghayeyaasha ay faahfaahin doonaan sababaha keenay in aynan u hoggaansamin xeerar la doonaya in ay ku shaqeeyaan.
Sidoo kale waxaa laga doonaya in ay gudbiyaan dokumeentiyada la xiriira baaritaano socdo.
Sidoo kale guddiga maamulka cadaaladeed ayaa u yeeray xoghayaha waaxda waddooyinka Injineer Joseph Mbugua iyo Gitonga Mugambi(xoghayaha keymaha)