Dr. Debra oo sheegtay in ay soo celin doonto Linda Mama

0
366

Wasiiradda magacaaban ee caafimaadka Dr. Debra Mlongo Barasa oo maanta la turxaan bixiyay ayaa ballan qaadday in haddii uu baarlamaanka ansixiyo magacaabideeda in ay dib u soo celin doonto barnaamijkii Linda Mama ee lagu daryeelayay hooyooyinka xilliga umusha.
Waxay sheegtay in iyadoo loo gudbaya caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF in loo baahan in la xaqiijiyo sidii ay hooyooyinka adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah uga heli lahaayeen xarumaha kala duwan marka ay umulayaan.
Dhanka kale, Dr. Debra ayaa qiimaha lacageed ee hantideeda ku sheegtay 455.8 milyan oo shilin oo ay xustay in ay wada leeyihiin iyada iyo seygeeda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maamullada isbitaallada qaar ay cabasho ka muujiyeen in lagala dib dhacay bixinta qarashaadka caafimaadka ee hooyooyinka adeegsaday barnaamijkan.
Waxaa sidoo kale abaare 12-kii duhurnimo ee maanta la turxaan bixiyay,Alice Wahome wasiiradda arrimaha dhulalka, howlaha guud, guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka .
Mr. Julius Migosi Ogamba, wasiirka waxbarashada ayaa isna su’aallo la waydiin doonaa abaare 3-da galabnimo ee maanta halka iyo Roselinda Soipan Tuya, wasiiradda difaaca ay guddiga turxaan bixinta hor tagi doonto abaare 5-ta galabnimo.