DHAGEYSO:Gachagua oo sheegay in bartamaha dalka aan laga qadin qoondada wasiirrada

0
251

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa u jawaabay shakhsiyaad ku dhaliilay inuu ka gaabiyay in gobolka bartamaha waddanka ee uu ka soo jeedo uu matalaad dhameystiran ku yeesho dowladda .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in muwaadiniin ka soo jeedo gobolkaasi ay xubno ka yihiin golaha wasiirrada ee la soo magacaabay.
Gachagua ayaa tilmaamay in kastoo ay jiraan kuwo hore oo aan dib loo magacaabin haddana in aynan micnaheedu ahayn in dhanka matalaadda ay ku hooseeyaan.
Xilli uu ku sugnaa kaniisad ku taalla degmada Kinangop ee ismaamulka Nyandarua ayuu dhanka kale cadeeyay in uunan cidna ka raalligelin doonin u ololeynta danaha gobolka uu ka soo jeedo.